Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Bariga dalka Suudaan.

Sunday July 11, 2021 - 09:21:02
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax ka dhacay mid kamida magaalooyinka ugu waaweyn dalka Suudaan.


Ugu yaraan 3 ruux ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay kooxo hubaysan qarax miino ku weeraray garoon lagu ciyaaro kubadda cagta.

Taliyaha booliska magaalada Port Sudan ee dhacda bariga wadankaas ayaa sheegay in kooxo saarnaa Mooto dhug dhugleey ay miino gacan ku sameys ah ku tuureen gudaha garoon kubadda lagu ciyaaro kadibna waxaa la maqlay qarax aad u xooggan.

Dadka dhintay ayaa ubadnaa dhalinyaro usoo daawasho tagay kubad garoonka lagu ciyaarayay, wararka ayaa intaas ku daraya in kooxihii weerarka geystay ay iyagoo baxsad ah toogteen haweenay ku sugneed mid kamida xaafadaha magaalada Port Sudan.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa magaaladan dekadda leh ka dhacayay dagaal udhaxeeya qabaa'illada Al Nuubah iyo Banii Caamir waxayna dagaalladaas gallaafteen nolosha in kabadan 32 ruux.

Dhinaca kale tobanaan qof ayaa lagu dilay gobolka Kordofaan ee bariga Suudaan halkaas oo ay ka socdaan dagaallo udhaxeeya maleeshiyo beeleedyo hubaysan, waaliga Kordufaan ayaa sheegay in boqolaal gaari iyo ciidamo amni ay udireen gobolka si ay xiisadda uqaboojiyaan.

Related Items

Update cookies preferences