Cabdalla Boos Ex.Wasiirkii G/dhigga "Soomaaliyeey Ogaada Dalka Soomaaliya Gumeysi Ayuu Kujiraa" Daawo+Dhageyso.

Saturday May 31, 2014 - 18:29:59
24286
Super Admin
Wasiirkii hore ee gaashaandhigga DF-ka ahna xildhibaan ayaa shaaciyay in dalka Soomaaliya uu kujiro gumeysi dhan walba ah waqti ciidanka Xabashida Itoobiya ay qabsanayaan dhul hor leh
Cabdalla Boos Axmed oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Federaalka ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in waxa loogu yeero beesha caalamka ay gumeysi aan dhamaad laheyn ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu mid mid u faah faahiyay qaabka dowladaha shisheeye gumeysiga ugu hayaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna tusaale usoo qaatay in isagoo ah wasiirka gaashaandhigga amar lagusiiyay in uusan tayay Karin ciidanka Dowladda islamarkaana awaamirta wasaaraddiisa ay bixinayeen saraakiil shisheeye.

Waxa loogu yeero Howlgalka AMISOM ayuu Cabdalla Boos ku tilmaamay gumeysi ay beesha caalamku ku doonayso in ay ku xaalaysato qaranimada iyo kheyraadka dalka!.

"Shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda jooga waxaan u sheegayaa in dalku gumeysi kujiro aniga ayaa markaati ka ah gumeysiga dalka lageliyay waxaan soo qabtay jagada wasaaradda Gaashaandhigga iyo jagooyin sarsare waxaan idiin iftiiminayaa xaqiiqda dalka ka taagan”ayuu yiri cabdalla Boos.

Siyaasigan xildhibaanka ka ah DF-ka wuxuu kashifayaa siro muhiim ah oo ku saabsan qaabka gumeystuhu u maareeyo falalkiisa gurucan ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhageyso Khudbada Cabdalla Boos MP3


Halkan Hoose ka Daawo


Related Items

Update cookies preferences