Dowladda Suudaan oo xiriirka ujartay Jaad eedayn culusna ujeedisay.

Sunday June 30, 2024 - 06:44:55
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Sudan ee uu hoggaamiyo Alburhaan ayaa xiriirka u jartey dalka ay jaarka yihiin ee Chad.
Sudan waxa ay maalintii shaley ahayd u yeeratey safiirkii u fadhiyey dalkaas Osman Mohamed Younis. Tan ayaa timid ka dib markii Sudan ku eedaysay Chad in ay taageero baaxad leh u fidinayso kooxda RSF ee dagaalka kula jirta xukuumadda Sudan ee sharciga ah.

Eedaymaha Suudaan ee ku aaddan dalka Chad ayaa soo bilaabmey dabayaaqadii sannadkii ina dhaafey ka dib markii sarkaal Yasir Al-Atta oo kamid ah saraakiisha Sudan uu si cad u sheegay in Xukuumadda N’Djamena oo kaashanaysa dalka Immaaraatka ay hub iyo rasaas gaarsiiyeen kooxda fallaagada ah ee RSF.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in UAE si weyn u taageerayso RSF isla markaana ay saanad dagaal uga soo gudbiyaan dhanka xuduudka Chad, waxa kale oo wararku xusayaan in calooshood u shaqaystayaal shisheeye lagu xoojiyey kooxda RSF.

Si kastaba ha ahaatee dalka Sudan waxa ka socda dagaallo sokeeye oo malaayiin qof ku barakacdey tan iyo sannadkii ina dhaafey bilowgiisii. Isku dayo heshiis oo ay sameeyeen dawlado shisheeye ayaan lagu guuleysan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences