New York Times: Saraakiisha ugu sarreeya Yuhuuddu waxay aamminsan yihiin in xabbad joojin la sameeyo.

Tuesday July 02, 2024 - 12:32:52
Liibaan Jeexoow
Wargeyska New York Times ayaa daabacey warbixin sheegaysa in Jeneraallada ugu sarreeya Yuhuuddu aamminsan yihiin in xabbad joojin la sameeyo xataa haddii ay Xamaas sii jirreyso.
Tan ayaa caddaynaysa wararkii sheegayey in marba marka ka dambaysa ay sii kala fogaanayaan ciidamada Yuhuudda iyo Benjamin Netanyahu.

Jeneraalladani waxa ay xalka u arka in gebi ahaanba dagaalka la joojiyo si loo soo furto 120maxbuus oo ay gacanta ku hayaan ururka Xamaas ee Falastiin.

Illaa 6 sarkaal oo hore uga soo shaqeeyay ciidanka Israel oo uu wargeysku wareysi ka yeeshay waxa ay xuseen in Yuhuuddu ay gelayso dagaalkii ugu dheeraa muddo labaatan sano ah waxa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen in askartoodu u baahan yihiin wakhti dib u habayn loogu sameeyo.

Dhanka kale waxa ay ka dhawaajiyeen in haddii Xamaas lala galo heshiis xabbad-joojin ah in ay fududaanayso in Hezbollah-na heshiis lala gaari karo.

 Warkan ka soo yeeray saraakiisha Yuhuudda oo wargeysku qariyey magacyadooda sababo la xiriira amnigooda ayaa muujinaya sida Israel ugu guuldarraysatey dagaalka indho la’aanta ah ee ay ka waddo Qaza.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences