Biden oo sheegay in uu dhulka ku dhici gaaray saacadihii uu ladoodayay Trump.

Wednesday July 03, 2024 - 16:52:45
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay madaxweynaha cutush-ka ah ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay guuldarradii weyneed ee isbuucii hore kasoo gaartay dood siyaasadeed oo uu lagalay Donald Trump.
Joe Biden ayaa caddeymo cusub oo uu bixiyay wuxuu ku qiray in uu galay dood aad uliidatay marka loo eego hadalladii uu jeediyay iyo muuqaalkiisa caafimaad.

Isagoo hadal ujeedinayay taageerayaashiisa oo isugusoo baxay goob fagaaraha ayuu sheegay in intii ay socotay dooddii uu lagalay Trump uu ku sigtay in uu dhulka ku dhaco.

"Intii aan hadalka jeedinayay aad baan udaallanaay waxaana ku sigtay in aan dhulka ku dhaco" ayuu yiri Biden.

Afhayeenad uhadashay Aqalka cad ayaa sheegtay in tayada dooddii Biden ay aad uliidatay sababa laxiriira xaaladdiisa oo cafimaad oo ka dhalatay da'diisa.

Ra'yi uruurin lasameeyay ayaa lagu ogaaday in 75% taageerayaasha Xisbiga Dimuquraadiga ay taageersanyihiin in Biden uu isaga haro tartanka doorashada islamarkaana lasoo xulo siyaasi kale oo awood u leh wajahidda Donald Trump.

Related Items

Update cookies preferences