Askari ka tirsan ciidanka Yuhuudda oo isdiley ka dib markii loo sheegay in lagu celinayo Qaza.

Sunday June 09, 2024 - 17:40:17
Liibaan Jeexoow
Askari ka tirsan Ciidanka Duullaanka ah ee Yuhuudda ayaa nafta isdhaafiyey ka dib markii lagu wargeliyey in uu dib ugu noqdo Qaza si uu uga qayb qaato dagaallada halkaa ka socda, sida ay tabisey Idaacadda Yuhuudda.
Saxiifadda Haartez ee laga leeyahay Israel ayaa dhawaan iyaduna sheegtay in illaa 10 sarkaal oo sarsare ay isdileen tan iyo bilowgii dagaalka 7 October, 2023.

Dhanka kale garabka xarbiga ah ee Xarakada Xamaas waxa uu mar sii horreysay iclaamiyey in ay badbaadiyeen maxbuus Yuhuudi ah oo rabey in uu nafta is dhaafiyo. Ciidamada Sahaayinadu waxa ay dhawaan qirteen in ciidankoodu waajahayo xaaladdii nafsiyeed ee ugu darneyd tan iyo 1973.

Bishii ina dhaaftey saxiifadda Yudiicoot Oxronoot ee Yuhuuddu waxa ay qortey in baaris la sameeyay lagu ogaadey keliya 42% kamid ah saraakiisha ciidanku in ay rabaan in ay kasii mid ahaadaan ciidanka haddii uu dagaalku dhammaado. Halka boqolleyda soo hartey ay doonayaan in ay sidaa shaqada kaga tagaan, Taas oo ka dhigan in 100 sarkaal ee Yuhuud ah 58 kamid ahi aaney shaqadooda ku qanacsanayn.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences