Xog laga soo xigtey Hay'adda Laanta Socdaalka ee Yuhuudda maanta oo Axad ah ayaa tibaaxaysay in ay nus malyuun kor u dhaafeen dadka Yuhuudda ah ee ka qaxey Israel isla markaana aan la rejaynayn in ay dib u soo laabtaan.
Kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa ku dhawaaqay in ay jawaab rasmi ah ka bixiyeen mowqifkooda ku aaddan heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo ay lagalaan Yahuudda.
Wararka ka imaanaya wadanka Malaawi ee ka dhaca Koonfur bari qaaradad Afrika ayaa sheegaya in lawaayay diyaarad ay la socdeen mas'uuliyiin sarsare oo katirsan dowladda.
Wararka ka imanaya dhanka Waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidan ka tirsan jabhadda TPLF ay gudaha u galeen deegaanka Axmaarada halkaas oo ay ku dileen dad lagu qiyaasey 15 ruux.
Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in dad kor u dhaafaya 130 qof ay ku shahiideen Marinka Qaza 24-kii saac ee u dambeeyay ka dib markii duqeymo aan loo meel dayin oo ciidanka Yuhuuddu ka geysteen.