Afgaaniyiin kor u dhaafaya 1,200 oo qof oo laga tarxiiley Pakistan.

Saturday June 01, 2024 - 17:28:20
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Pakistan ayaa dalkeeda ka tarxiishey dad kor u dhaafaya 1200 oo qoxoonti Afgaaniyiin ah labadii cisho ee u dambeeyay.
Wasaaradda Dib u dejinta(Wasaaradda Qoxootiga) ee Taliban waxa ay ka dhawaajisey in qoysas gaaraya 154 qoys oo tiro ahaan noqonaya 782 qof laga soo gudbiyey xuduudka magaalada Tokhram halka 77qoys oo ka kooban 421 qofna laga soo gudbiyey marinka Spin Boldak ee xuduudka Pakistan-Afghanistan.

Wakaaladda Wararka ee Bakhtar oo ay leedahay Taliban ayaa sida oo kale tibaaxdey in 72 qoys ay ka soo amba baxeen dhanka Iiraan maalinnimadii Jimcaha ee shaley.

Xukuumadda Shiicada ee Iiraan iyo Pakistan ayaa go’aan ku gaarey in ay dadka reer Afghan ee dalalkooda ku nool u tarxiilaan dhulkooda.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences