Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya aan waxba laga weydiinayn Kooxda Xasan Gurguurte!.

Thursday June 27, 2024 - 13:02:57
Liibaan Jeexoow
Afhayeenka wasiirka arimaha dibadda Itoobiya oo lahadlay laanta afka Amxaariga ee BBC-da ayaa lawaydiiyay aheyd. "Dawlada soomaaliya waxa ay sheegtay in ciidamo Itoobiyaan aan ATMIS katirsaneyn ay sifo sharci darra ah ku galeen dalkaas ee sideed u aragtaa ? ".
Nebiyu Tedla Afhayeenka wasiirka arimaha dibada Xabashida ayaa ku jawaabay inaan dowladda Soomaaliya ka jirta waxba laga weydiinayn islamarkaana halkaana ay u joogaan hawlgal caalami ah oo ay uga amarqaadanayaan Midawga Afrika iyo Q.midoobay , sidoo kale waxa uu sheegay in ay amnigooga ku ilaashanayaan joogitaankooda goortii ay doonaana soo galayaan soomaaliya goorta ay doonaana kasoo baxayaan.

Mas'uulkan Xabashiga ah ayaa intaas ku daraya in ciidamadii dhowaan ka gudbay xuduud beenaadka ee gaaray degmada Matabaan ay ahaayeen kuwa ku jiray howllo tababar ah sida uu hadalka udhigay.

Nebiyu Tedla ayaa si cad u sheegay in DF-ka Soomaaliya ay tahay mid taak daran oo aan awoodin in ay dowlad unoqoto soomaaliya inteeda kale

"ciidamadeednu waxay fulinayaan howlgallo caalami ah iyagoo ka amar qaadanaya midowga Afrika iyo Q.Midoobay, dowladda soomaaliyana ma maamusho meel ka baxsan madaxtooyada Villa Somalia" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dad ku sugan deegaannada xuduud beenaadyada ayaa warbaahinta usheegay in ciidamada Xabashida ee Kalabeyrka kasoo gudbay ay dhibaatooyin ugeysteen bulshada sida iyagoo xoola nool kaxaystay islamarkaana burburiyay baraako ay biyo ka buuxeen.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa ku andacoonaysa in ciidamadeeda duullaanka ku jooga Soomaaliya ay fulinayaan masaalixdeeda amniga qaranka

Ugu dambeyn Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa soo hadal qaaday heshiiskii xaaraanta ahaa ee maamulkiisu uu lasaxiixday maamulka Somaliland ayaa sheegay in maalmaha soo socdo ladhammeystiri doono heshiiskaas

Related Items

Update cookies preferences