Xildhibaan Mursal Khaliif "Haddii ciidamada ATMIS ee dalka ka baxaan 24 saac gudahood ayaa Al Shabaab qabsanaysa Soomaaliya".

Saturday June 29, 2024 - 17:13:41
Liibaan Jeexoow
Xilli uu waqtigu sii cirbinayo ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ah ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayay xaalado walaac iyo qoob gariir leh usoo galeen dhammaan maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira dalka Soomaaliya.
Isbuucii lasoo dhaafay ciidamada midowga Afrika ee loo yaqaan ATMIS ayaa baneeyay dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose waxayna sheegeen in ay faarujin doonaan saldhigyo kale arrinkaas wuxuu cabsi ku beeray saraakiisha DF-ka.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda oo siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada shisheeyaha jinsiyadaha kala duwan leh ee ku sugan Soomaaliya uu halis gelinayo dhammaan maamullada dabadhilifyada ah ee dalka kajira.

Mursal Max'med Khaliif oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka xubinna ka ah guddiga difaaca ayaa qiray in xarumaha muhiimka ah ee dowladda sida Muqdisho,Kismaayo,Baydhabo iyo Beledweyne ay gacanta ku hayaan ciidamada shisheeye haddii ay baxaana ay maamulladaas maqaar saarka ah burburayaan.

Wuxuu tibaaxay in aysan jirin maleeshiyaad Soomaali awood u leh difaacidda maamulladan haddii ay insixaabaan ciidamada shisheeye.

Xildhibaan Mursal Max'med Khaliif ayaa saadaaliyay in haddii ciidamada itoobiya,kuwa Kenya iyo Uganda ay isaga baxaan magaalooyinka ay Soomaaliya uga suganyihiin ay Jihaadiyiinta Al Shabaab dalka kula wareegi karaan wax aan kabadneyn 24 saac gudahood.

Saraakiisha dowladda Federaalka waxay sheegayaan in haddii waxa loogu yeero Q.Midoobay ay ogolaato in hal sano oo dheeraad ah ciidamada afrikaanta ah lagusii haayo soomaaliya aysan ku filneyn oo marwalba ay halis ku jiraan.

Soo duulayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee dagaalka shareecada ladirirka ah kawada soomaaliya ayaa hadda taagan marxalad adag iyagoo ka baqaya jihaadiyiinta Al Shabaab.

Sheekh Abuu Cubeyda amiirka xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kalimad uu jeediyay bishan gudaheeda wuxuu ciidanka jihaadiga ah faray in ay isku diyaariyaan marxalad cusub oo uu geli doono loollanka jihaadka ee ka holcaya geeska qaaradda Afrika.

Related Items

Update cookies preferences