Tobanaan ruux oo ku dhintay rabshado ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tuesday June 25, 2024 - 17:11:20
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in tobanaan qof ay dhinteen boqolaal kalane ay dhaawacmeen kadib isku dhacyo xooggan oo dhaxmaray dad dibad baxyo dhigaya iyo ciidamada booliska.
Saraakiisha booliska magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay wajahayaan rabshado aad u xooggan oo uga imaanaya dad caraysan balse waxay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan khasaaraha lixaadka leh ee soo gaaray dadka shacabka ah.

Hay'adda Saliibka guduud ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 qof ay dhinteen halka boqolaal kale ay dhaawacmeen kadib markii ciidanka Boolisku ay toogasho ugeysteen dibad baxayaasha xoogga ku galay dhismaha baarlamaanka ee magaalada Nairobi.

Sawirro lagasoo qaaday caasimadda Kenya ayaa muujinayay booliska oo shacabka tooganaya iyo meydad daadsan afaafka hore ee aqalka baarlamaanka.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa ka caraysan canshuurta dulsaarka ah ee ay dowladdu soo rogtay kadibna ay ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka.

William Rutu oo ah madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in uu wadahadal lafurayo dadka dibad baxyada dhigaya balse wixii maanta ka dhacay Nairobi ayaa larumeysanyahay in ay xaaladad sii cakiri doonaan.

Related Items

Update cookies preferences