Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay loo ogolaaday in ay wadahadal ka gasho badda Soomaaliya!

Sunday June 30, 2024 - 17:40:41
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Federaalka ee shisheeyuhu ilaaliyo ayaa Ankara ka codsatay in la wada hadalsiiyo Addis Ababa oo doonaysa in ay boobto badda Soomaaliyeed.
War qoraal ah oo ka soo baxey Wasaaradda Dibedda Federaalka Somalia ayaa lagu sheegay in wafdi ka socda Soomaaliya ay tegayaan dalka Turkiga halkaas oo ay ka dhici doonaan kulan u dhexeeya Ethiopia iyo Somalia.

Xasan Sheekh ayaa olole ugu jira sidii loo horjoogsan lahaa MoU bilowgii sannadkan dhexmarey Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Wufuud labada dhinac ka kala socda ayaa goorsii horraysay gaaray Turkiga, Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda DF-ka ayaa shaaciyay in ay wadahadal toos ah lagelayaan dowladda Itoobiya.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in dowladda Xasan Sheekh ay ka tanaasushay diidmadii ay ka muujin jirtay in ay wadahadallo toos ah lagasho xukuumadda Abiy Axmed ee caddaysatay qaadashada qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa billaawgii sanadkan maalintii heshiiskan lasaxiixay ku baraarugay in Xasan Gurguurte uu ogolaa in Itoobiya lasiiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya balse uu ka carooday wadiiqada ay usoo martay oo ahaa dhanka hoggaamiyaha maamulka Somaliland.

Falanqeeyaasha arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Abiy Axmed ay guul diblumaasiyadeed utahay in uu wadahadal ka galo badda Soomaaliya, kooxda dabadhilifka ah ee ka talisa Villa Somalia ayaa doonaysa in ay gacan bidixayso badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isbuucii lasoo dhaafay markale ku celiyay in uusan diidaneyn in Itoobiya ay badda Soomaaliya soo gaarto balse ay diidanyihiin in ay soo marto dhanka maamulka 'Somaliland'.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in askarta Soomaaliya joogaa aysan ka amar qaadannin Xasan Sheekh iyo kooxdiisa islamarkaana aan loo sheegi karin xilliga ay ka baxayaan Somalia.

Masuulkan Itoobiyaanka ahi waxa uu intaa ku darey in ay Somalia ku joogaan "Sharciyad Caalami ah” isla markaana ay bixi doonaan keliya marka Midowga Afrika sidaas codsado.

Isku soo wada duub oo Somalia ayaa u muuqata xukuumad aan sii jiri doonin waxaana laga yaabaa in dabayaaqada sannadkan ay xarakadu la wareegto Somalia. Warbixinaha areergalbeedka ayaa tibaaxaya in wax u eg wixii ka dhacey Afghanistan ay ku soo fool leeyihiin Somalia.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences