Jabuuti oo ka jawaabtay eedayntii uga timid Muuse Biixi.

Monday July 01, 2024 - 14:05:29
Mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda dabadhilifka ah ee Jabbuuti ayaa iska fogeeyay eedayntii Muuse Biixi oo ah madaxweynaha Somaliland u jeediyey dalka Djibouti.
Wasiirka Maaliyadda Jabbuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo qoraal ku faafiyey barta uu ku leeyahay X ayaa tibaaxey in Jabbuuti ay tahay meel u taagan wadajirka iyo isdhexgalka gobolka.

Waxa uu intaa ku darey in Jabuuti aaney faro gelin arrimaha siyaasadeed ee jaarkeeda.

"Fadlan Jabuuti haku soo darina siyaasaddiinna gudeed iyo ololeyaashiinna. Maskaxda ku haya; shaley waxa nalagu eedeeyay in aanu Somaliland ku taageeraynay dagaalkii SSC ee gobolka” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Jabuuti.

Dhanka kale warsaxaafadeed kasoo baxey Wasaaradda Warfaafinta Jabuuti ayaa lagu sheegay in siyaasadda Jabuuti ay ku dhisan tahay wada noolaanshaha iyo xaqdhawrka dadka la deriska ah.

"Waxa nasiibdarro iyo wax laga xumaado ah in Muuse Biixi ka soo yeedhayaan maalmahan dambe hadallo kicinaya xiisad iyo colaad aan loo baahnayn” Wasaaradda Warfaafinta Jabbuuti.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences