Al Shabaab oo weerar cagmarin ah kula wareegay deegaanka Goof Guduud Buureey duleedka Baydhabo.

Friday July 05, 2024 - 11:24:46
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahanno aad u hubaysan ayaa saaka aroortii hore weerar culus oo cagmarin ah kula jarmaaday deegaan hoostaga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Dagaal culus ayaa lagasoo weriyay saldhigyo kuyaal deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30Km ujira magaalada Baydhabo.

Ciidamada Wilaayada Islaamiga Baay ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta saddexdii xero ee maleeshiyaadka dowladdu ku sugnaayeen iyo guud ahaan deegaanka Goofgaduud Buurey.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in dagaalyahanadoodu ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo saanado melleteri.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in dagaalkii Goofguduud Buureey lagu dilay ku dhowaad 10 askari iyadoona ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ufirxadeen dhanka magaalada Baydhabo.

Related Items

Update cookies preferences