11 katirsan ciidanka maamulka 'Jubbaland' oo isku dhiibay Al Shabaab.

Thursday July 04, 2024 - 14:56:53
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaad daacad u ah maamulka Axmed Madoobe ee isku magacaabay Jubbaland ayaa iyagoo firxad ah isku dhiibay maamullo islaami ah oo taabacsan Al Shabaab.
Ugu yaraan 11 askari oo kasoo goostay deegaanka Buulo Xaaji ayaa goob fagaare ah lagusoo bandhigay, askartan towbad keenayaasha ah oo wareysiyo bixiyay ayaa sheegay in ay lasoo goosteen hubkii lagusoo qalabeeyay.

Mas'uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Jubbada hoose ayaa ballan qaaday in ay amni siin doonaan askari walba oo kasoo baxa safka cadowga islamarkaana hubkiisa loo lacageyn doono.

Related Items

Update cookies preferences