Jeneraal Katirsan Dowladda Shiicada Iiraan Oo Lagu Dilay Wadanka Suuriya.

Saturday May 31, 2014 - 13:55:15
23995
Super Admin
Waa Muuqaalka Generaalka iran laga dilaty
Waa Muuqaalka Generaalka iran laga dilaty
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka kacaanka majuusiga iiraan ayaa lagu xaqiijiyay in general sare oo katirsanaa taliska ciidanka looga

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka kacaanka majuusiga iiraan ayaa lagu xaqiijiyay in general sare oo katirsanaa taliska ciidanka looga dilay dagaal ka dhacay wadanka suuriya.

Bayaan kasoo baxay dowladda Iiraan ayaa lagu xaqiijiyay in Generaal Cabdalla Iskandari lagu dilay dagaal ka dhacay mandiqadda Sayidda Zeynaba ee duleedka magaalada Dimishiq.

Goobta Generaalka lagu dilay waxaa ka furan mid kamida jabhadaha dagaalka ugu kulul suuriya,kumanaan maleeshiyaad shiica ah ayaa halkaasi muslimiinta sunniga ah kula dagaalamaya.

Wakaaladda wararka Iiraan ee afka faarisiga ku hadasha ayaa sheegtay in madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani uu ka tacsiyadeeyay halaagga gaaray Generaal iskandar.

"Madaxii mu’asasada Shahiid ee gobolka Faaris ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay wadanka Suuriya,madaxweynaha Jamhuuriyadda iiraan ayaa dhacdadan ka tacsiyadeeyay,howlgal muqaawamada lagu xoojinayo ayuu ka waday suuriya”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xukuumada shiica Iiraan.

Kumanaan maleeshiyaad shiico ah oo iiraan iyo xisbu sheydaan taabacsan ayaa suuriya ka dagaalamaya,xasan nasrullaah ayaa ka hore sheegay in dagaalyahanadoodu ay suuriya ujoogaan wax uu ugu yeeray jihaad uu ula jeedo gumaadka muslimiinta sunniga ah.

27-kii bishan May ayaa baraha bulshadu kuwada xariirto oo ay isticmaalaan kooxaha kacdoonka suuriya waxaa lagu baahiyay sawirka Generaal Cabdalla iskander oo madaxa laga jaray,dagaalyahan gacanta midig ku watay tooreey dhiig ka da’ayo ayaa dul taagnaa meydka Generaalka iiraaniga ah oo madaxa laga jaray.

Dowladda iiraan ayaa kamid ah tiirarka uu ku taaganyahay maamulka Bashaar al-asad ee suuriya wuxuuna nidaamkasi wajahayaa dagaallo adag.


Related Items

Update cookies preferences