Micheal Langley "Soomaaliya waxay wajahaysaa ilbiriqsiyadii Afghanistan oo kale".

Sunday June 30, 2024 - 12:59:07
Liibaan Jeexoow
Wargeyska Nation ayaa daabacay warbixin ciwaan looga dhigay " Soomaaliya oo wajaheysa ilbiriqsiyadii Afqaanistaan" taasoo ka dardaar warineysa xaaladda Soomaaliya kadib bixitaanka ciidamada Shisheeyaha ATMIS, tilmaameysana in Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeyso hogaanka dalka kadib bixitaanka Shisheeyaha.
" Soomaaliya ayaa sugeysa iney la noolaato masiirka dalka Afqaanistaan, taasoo ah in si lamid ah Taliban ay Al-Shabaab ula wareegto dalka, kuna soo rogto maamul islaami ah, dadka qaar ayaana u arka in Shacabka Soomaaliyeed oo keliya hor istaagi karo arintaas, marka askariga ugu dambeeya ee ATMIS uu ka baxo Soomaaliya dhamaadka sanadkan” ayaa lagu yiri warbixinta NATION.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika jeneraal Micheal Langley oo soo xiganayo wargeyska ayaa muujiyay filashadiisa la xiriirta in Xarakada Al-Shabaab ay fuliso weeraro xoogan, iyadoo isku dayeysa iney ka faa’ideysato ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka, wuxuuse tilmaamay in laga hortagi karo arintaas haddii shacabka Soomaaliyeed ay ku daba feylaan Dowladda Federaalka.

" bixitaanka ciidamada ATMIS, waxay xarakada Al-Shabaab u hanaqal taageysaa iney ka faa’ideysato firaaqa amni, iyadoo qaadeysa weeraro ka dhan ah ciidamada Soomaalida, laakiin ciidanka milliteriga Soomaaliya wuu ka hayaa arinkaas, wuxuuna adkeysanayaa difaacyadiisa, si ay uga hortagaan weerar weliba oo lagu soo qaado” ayuu yiri taliyaha AFRICOM oo qabtay shir jaraa’id oo online, mar uu ka warbixinayay safarro uu kusoo maray qaaradda Afrika.

Isagoo sii hadlaya wuxuu hadalkiisa sii raaciyay Langley " waxaa suurogal ah iney dhacana weeraro saameyn leh oo ka dhaca Muqdisho iyo meelo kale, laakiin waxaan ku rajo weynahay in Dowladda federaalka ay dareemeyso halista amni ee ku daaban isbedelka socda”.

Laakiin khubarada ka faallooda arimaha mandiqadda iyo Soomaaliya ayaa tilmaamaya in Xarakada Al-Shabaab ay xiriir wanaagsan la leedahay bulshada Soomaalida, adeega garsoorkeedana yahay kan loogu kalsoonida badanyahay, sidaasi darteedna wax la sugo aaney ahayn iney ka hor yimaadaan maamulka Islaamiga ah ee ay hirgelineyso Xarakada Al-Shabaab.

Waxay kaloo khubaradu tilmaamayaan in awoodda ciidamada Dowladda Federaalka lagu wiiqay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaalida, sidaasi darteedna aaney iska caabin kara weerar uga yimaada Al-Shabaab.

Warbixinta wageyska Nation waxay tilmaameysaa in qorshaha amni ee xilligan uu dhigayo in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan amniga, sidoo kalena difaacdaan deegaannadii ay horey ula wareegeen, oo aaney dib dambe ugoo laaban dagaalyahannada hubeysan.

Taliyaha Africom ayaa dhankiisa dareemaya in ciidamada Dowladda federaalka aaney keligood ku dhicin iska caabinta Xarakada Al-Shabaab, waxaana si loo difaacdo deegaannada kujiro gacanta Dowladda Federaalka soo jeediyay in xukuumaddu ay ku qanciso shacabka iyo maamul goboleedyada qorshaheeda la xiriira amniga.

Jeneraal Mecheal Langley wuxuu tilmaamayaa ahmiyadda ay leedahay in malleeshiyaadka qabaa’ilka ay qeyb ka ahaadaan dagaalka lagu doonayo in Soomaaliya aaney ka dhalan dowlad Islaami ah, wuxuuna yiri " xamalada uu wado Xasan Sheekh waxay waxtar yeelan doontaa marka ay qeyb ka yihiin dadka deegaanka”.

Xasan sheikh Maxmuud ayaa tan iyo sanadkii 2022-ka oo uu qabtay hogaanka Dowladda federaalka, wuxuu ku goodiyay iney gebi ahaanba burburin doono Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waana goodis aanu illaa iyo hadda waxba ka hirgelin, labo sano kadibna wuxuu dhawaan tilmaamay rabitaankiisa la xiriira wadahadal uu la galo Xarakada Al-Shabaab.

Dhamaadka bisha December ee sanadkna waxaa la filayaa in ciidamada ATMIS ay ka wada baxaan dalka Soomaaliya, iyagoo ka tagaya firaaq amni oo ay tahay in ciidamada Dowladda federaalka buuxiyaan, waana arinta walwalka ugu badan ay ka muujinayaan dhinacyada taageera xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud.

Dhawaan dowladda Federaalka waxay codsatay in si tartiib tariib ah ciidamada ATMIS uga baxaan Soomaaliya, taasoo siineysa ciidamada Soomaalida awooddii ay kula wareegi lahaayeen amniga, waxayna sidoo kale soo jeedisay in la dhiso ciidan kale oo Afrikaan ah oo sii jooga dalka, waana arinta illaa iyo hadda aaney Dowladdu helin wax jawaab ah oo la xiriira.

Falaneeyayaasha amniga iyo shakhsiyaadka u dhuun daloola arimaha sirdoonka ayaa waayadii u dambeysay waxay tilmaamayeen halista la xiriirta in Soomaaliya marti geliso wax lamid ah wixii ka dhacay Afqaanistaan 2021-ka, markii ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO ay isaga soo hayaameen wadankaas.s

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhamaadkii todobaadkii hore mar uu la hadlayay safiirada ku sugan Muqdisho wuxuu tilmaamay in weli Xarakada jihaadiga ah ee Al-Shabaab ay tahay halis amin oo xoogan.

Si lamid ah, madaxa ciidanka Atmis Muxamad Suweef ayaa tilmaamay in Xarakada Al-Shabaab ay weli tahay koox awood leh, oo fulin karta weeraro wax burburinaya, wuxuuna tusaale usoo qaaday weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay bartamaha iyo koonfur galbeed Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 2023-da, ciidamada ATMIS ayaa billaabay iney dhimaan ciidankooda jooga Soomaaliya, waxayna ka baxeen saldhigyo dhowr ah oo ay kaga sugnaayeen deegaanno kala duwan, halkaas oo ay ku wareejiyeen ciidamada Dowladda Federaalka.

Xuseen Sheekh Cali ah oo latliyaha dhinaca amniga ee Xasan Sheekh Maxmuud ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu ku muujiyay in cabsida la xiriirta in dalka uu u gacan galo Xarakada Al-Shabaab ay tahay mid riwaayad ah, inkastoo horey hadallo uu u jeediyay uu isaga qudhiisa ku muujiyay halista amni ee ay wajaheyso Dowladda Federaalka.

Waayadii u dambeysay waxaa aad isuso tarayay taqaariirta iyo warbixinnada ay baahinayaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan ee la xiriira in haddii ciidamad ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya ay suurogal tahay in Al-Shabaab ay isku fidiso dhul ballaaran.

Dowladda Federaalka iyo masuuliyiinteeda ayaa ku nool qoob gariir laga dareemayo hadallada ay warbaahinta ka jeedinayaan, bixitaanka ciidamada ATMIS ayaana halkiisa kasii socda, Xarakada Al-Shabaabna waxay u muuqataa mid kujirto diyaar garow xoogan, marka loo fiiriyo muuqaallada ka imaanaya xeryaha tababarada ee ay baahineyso mu’assasada Al-Kataa’ib.

Dhul ballaaran oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa kajira nidaamka Wilayaadka islaamiga ah oo ah hannaan maamul oo hirgelinaya ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxayna wilaayadkan oo jirsaday inkabadan 15 sano ay markani u muuqdaan kuwa u dhabar adeygay gulufka iyo xamalaatka kaga imaanaya Shisheeyaha iyo Dowladda Federaalka.


Related Items

Update cookies preferences