Daalibaan oo cashuur dhaaf u samaysay ganacsatada yaryar ee reer Afghanistan .

Saturday June 01, 2024 - 09:49:34
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Taliban ee ka arrimisa dalka Afghanistan ayaa cashuur dhaaf u samaysay ganacsatada yaryar ee dalkaasi ku nool.
Wasiirka Maaliyadda ee Daalibaan Maxammed Naasir ayaa ka dhawaajiyey mar uu munaasibad ka hadlayey in ganacsatada sannadkii iibkoodu yahay 2milion oo Afgaan($27,000) laga cafiyey cashuurtii. Waxa kale oo uu wasiirku intaa ku darey in ganacsatada iibkoodu ka badan yahay $27000 laga khafiifin doono cashuurta.

Tan ayaa dhiirigelinaysa ganacsatada yaryar isla markaana keeni karta shaqo abuur. Hore waxa ay Xukuumadda curdinka ah ee Taliban u dejisay siyaasad dalka lagu dhisayo taas oo ahayd in ganacsatada maalgashanaya dalka cashuur dhaaf muddo shan sano ah loo sameeyo.

Dalka Afgaanistaan oo muddo labaataneeyo sano ah uu haystey gumeysiga Mareykanku waxa ay hadda ka soo kabanayaan amni xumo iyo dhaqaale darro baahsan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences