Ardey kor u dhaaftey 75kun oo u fadhiistey imtixaannada shahaadiga ah ee dalka.

Saturday June 22, 2024 - 14:41:16
Liibaan Jeexoow
Maamulka la baxey Somaliland iyo DF Somalia ayaa maanta si rasmi ah u wada bilaabey imtixaannada dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dalka.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka SL Daa’uud Garweyne ayaa xaqiijiyey in ardeyda dugsiyada Dhexe iyo Sare ee u fariistey imtixaanka Somaliland ay yihiin 38,490 halka Reysal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo furey Imtixaanka Dugsiyada Sare uu sheegay in ardeyda sannadkan u fariisanaysaa ay yihiin 37,000 oo ardey.

Isugeyn tirada ardeyda imtixaanka u fariistey sannad dugsiyeedka 2023-2024 ee guud ahaan Koonfurta iyo Waqooyiga ayaa kor u dhaafaya 75,000 oo ardey.

Sannad kasta waxa qalin jabiya kumannaan ardey kuwaas oo waxbarashadoodu aaney wax la taaban karo ku soo kordhin dalka. Waxbarashada Soomaalida guud ahaanba waxa ka dhiman qaybta xirfadaha taas oo aad arkeyso qof Soomaaliyeed oo wax bartey isla markaana dalkiisii ku camal la’ halka ajaaniib kale oo farsamooyin kala duwan yaqaannaa ay ka shaqeystaan dalkeenna.

Warsame Warfaa



Related Items

Update cookies preferences