Dhimashada dad raacey talada baaderi kiristaan ah oo kor u dhaaftey 300.

Wednesday June 14, 2023 - 10:35:29
Liibaan Jeexoow
Dhimashada dad ka badan 300 oo qof ayaa lala xiriirinayaa ka dib markii baaderi kiristaan ahi ugu baaqey in ay is gaajaysiiyaan illaa ay ka naf waayaan ka dibna ay la kulmi doonaa nebi Ciise oo ay Ilaah u aamminsan yihiin. Tirada dadkan caammada ah ayaa sii kordhaysa marba marka ka dambaysa.
Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in dadka le’day ay xubno ka ahaayeen kaniinsad lagu magacaabo Good News International Church oo uu baaderi ka yahay Paul Mackenzie kaas oo ku eedeysan in uu dadkii taabacsanaa amrey ka soomidda cuntada. Khuraafaadkan uu baaderigu dadka u sheegayo ayaa ah in ay jannada geli doonaan iyaga iyo carruurtooduba haddii ay macaluul u dhintaan intaan la gaarin dhammaadka dunida.

Dhimashada ayaa gaadhey 303 qof ka dib markii 19 qof laga soo qufay xabaalo ku yaalla keymaha Shakahola ee koonfur bari Kenya halkaas oo baaderigan iyo atbaacdiisu ku noolaayeen.

Waxa kale oo ay xukuumaddu intaa ku dartey in ay weli maqan yihiin dad ka badan illaa 600 oo qof. Baareyaasha ayaa ballaariyey deegaanka baaristu ka socoto si loo heli karo meydadka dadka la la’yahay dhammaantood.

65 kamida dadkii la soo badbaadiyey ayaa weli raba in ay macaluul isu dilaan sida saxaafaddu ku soo warramayso. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki ayaa walaac ka muujiyey bishii hore in dadka taabacsan baaderi paul oo qaar kamida la soo badbaadiyey ay weli cuntada diiddan yihiin halkaasoo mid kamid ahi nafwaayey. Ninkan khuraafaadlaha ah ayaa sida la sheegay aamminsan in dunida gebo gaboobeyso August illaa 15 April ee sannadka dambe.


Related Items

Update cookies preferences