Dhimashada reer Falastiin oo kor u dhaaftey 36kun oo shahiid.

Tuesday May 28, 2024 - 20:11:01
Liibaan Jeexoow
Dagaalka u dhexeeya cadowga Yuhuudda ee duullaanka ku ah dhulka Falastiin iyo Xarakada Xamaas ayaa galey maalintiisii 235aad.
 Wararka laga helayo Marinka Qaza ee Falastiin ayaa tibaaxaya in marba marka ka sii dambaysa ay tirada shuhadada Falastiiniyiintu kor u sii kacayso.
Khasaaraha nafeed ayaa Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ku sheegtay 36050 shahiid xaley mar sii horreysay halka dhaawacuna uu caga cagaynayo 81026 qof. Dadka ku waxyeelloobey dagaalka tan iyo October 7 ayaa u badan dumar iyo carruur.

Wararkii ugu dambeeyay oo soo dhaca ayaa sheegaya in 20 qof oo kale ku shahiideen Rafax oo hadda dagaallada ugu culusi ka socdaan.

Saaka subaxdii hore waxa ay ciidamada Yuhuuddu duqeymo ka geysteen Rafax, Jabbaaliya iyo Cusbitalka Kamaal Cudwaan taas oo keentay dhimashada dad shacab ah.

Dhanka kale Xarakada Xamaas waxa ay sheegtay in dhisme ay ku sugnaayeen ciidanka Sahaayinadu ay beegsadeen halkaasoo cadowgii ku sugnaa ay noqdeen wax dhintey iyo kuwo dhaawacmay. Saraayal-Qudus oo iyaduna ah jabhad kale oo ka dagaallanta Falastiin ayaa sheegtay in ay beegsadeen kolonyo Yuhuud ah oo ku sugnaa agagaarka Salaaxuddiin ee Koonfurta Rafax.

Related Items

Update cookies preferences