Abiy Axmed oo markale ku celiyay in Itoobiya ay ka go'antahay qabsashada badda Soomaaliya kuna jeesjeesay DF-ka.

Thursday July 04, 2024 - 17:10:01
Liibaan Jeexoow
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale sheegtay in aysan wax gorgortan ah ka geli doonin damaceeda gurrucan ee ah in ay qabsato qeyb kamid ah yahay badda Soomaaliya.
Abiy Axmed R/Wasaaraha Itoobiya oo khudbad ka jeediyay golaha baarlamaanka wadankiisa ayaa sheegay in ay weli ku taaganyihiin heshiiskii uu lagalay Muuse Biixi.

Wuxuu carabaabay in dowladda Xasan Sheekh ay lacag badan ku bixisay sidii heshiiskaas loo carqaladayn lahaa wuxuuna wacad ku maray in itoobiya ay ka go'antahay sidii ay uqabsan laheyd badda Soomaaliya.

Hoggaamiyaha dowladda Xabashida wuxuu si cad usheegay in heshiiskii ay lagaleen maamulka isku magacaabay Somaliland uu ahaa mid muhiim u ah bulshada Itoobiya iyo wax uu ugu yeeray dhaqaale sii kobcaya ee wadankiisa.

Abiy oo ku jees jeesayay dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa yiri "Lacagaha ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso meelahaas ee warwareega ah ee ka dhanka ah MOU-ga waxaa dhaama in ay hal dugsi uga dhisaan Muqdisho si carruurta wax uga bartaan”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa baraheeda rasmiga ah ku faafisay khudbadda Abiy ee uu maanta jeediyay qeybta ku saabsan Soomaaliya iyo kiiska badda.

isagoo sii hadlayay ayuu soo hadal qaaday in kumanaanka ciidamada Itoobiyaanka ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ay xaqiijinayaan hadaf qaran oo ah in ay soo dhiciyaan bad balse isagu wuxuu udhigayay si maldahan "dhiigga ciidamadeenna ee ku daatay Soomaaliya wax ciyaar ah maahan"ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Marka laqiimeeyo dhawaqa kasoo yeeray Abiy Axmed waxaa muuqata in wax natiijo ah aysan kasoo bixin wadahadalladii dhowaan magaalada Ankara ku dhaxmaray DF-ka iyo Itoobiya welina ay Xabashidu ku dheganyihiin heshiiskii ay horay ula galeen Muuse Biixi.

Related Items

Update cookies preferences