Xisbiga Shaqaalaha oo ku guuleystay doorasho ka dhacdey Ingiriiska.

Friday July 05, 2024 - 09:29:31
Liibaan Jeexoow
Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guuleystay doirashadii ka dhacdey Ingiriiska ka dib muddo 14 sannadood ah oo uu saaxadda ka maqnaa.
Xisbigan ayaa dhaafey tiradii kuraasida looga baahnaa oo ahayd 326. Dhanka kale xisbiga uu hoggaamiyo hindiga lagu magacaabo Rishi Sunak ee hadda talada dalkaasi gacanta ku haya ayaa si weyn u guuldarreystay kadib markii uu helay 131 kursi.

Kier Starmer ayaa noqon doona RW cusub ee dalkaasi maaddaama oo xisbigiisu ku guuleystay doorashada isla markaana helay kuraasi dhan 410 kursi.

Ilaa sannadkii 2022 Ingiriiska waxa soo marey dhawr RW kuwaas oo barkood iscasileen markii dhaqaale xumo darani dalkaa soo wajahdey.

Boris Johnson oo talada dalkaas hayey xilligii Karoonaha ayaa xilka laga qaadey ka dib markii wasiirro ka tirsan xukuumaddiisu ka soo horjeesteen bishii July 2022 waxaana beddeshay habar lagu magacaabi jirey Liz Truss oo keliya jagada Reysal Wasaarennimo haysey 44 cisho.

Truss waa ay iscasishey ka dib markii ay waxba ka qaban kari weyday dhaqaale xumada dalkaas soo wajahdey, waxa la doortey Sunak oo Hindi ah. Hal sano gudihiina waxa isbeddelay 3 Reysal Wasaare.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences