Vladimir Putin oo markale ku guuleystay doorashadii ka dhacdey Russia.

Tuesday March 19, 2024 - 08:15:17
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa doorashadii maalintii Axadda ka qabsoontey dalkaasi ka guuleystay dhowr musharrax oo la tartamayey.
 Putin oo markii lixaad loo cumaamadey ka dib doorasho madmadow badani ka muuqday ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa labadii qarni ee ugu dambeeyay waa haddii uu dhammaysto muddo xileedkan cusub.

Putin waxa uu darajada Gaashaanle Sare ka gaarey ciidamadii sirdoonka ee Midowgii Soviet ee loo yaqaannay KGB isla markaana waxa uu talada dalka Ruushka la wareegay sannadkii 1999-kii.

Kow iyo toddobaatan jirkan ayaa tirada dadka u codeeyay lagu sheegay 87.8% taas oo noqonaysa tiradii ugu sarreysay ee madaxweyne lagu doorto dalkaas. Mareykanka, Jarmalka, Ingiriiska iyo dalal kale waxa ay doorashadaa ku sheegeen mid aan xor iyo xalaal ahayn. Musharraxa kusoo xiga ee la tartamayey Putin oo lagu magacaabo Nikolia Khatonov ayaa helay 4%, halka Vladislav Davankov uu galey kaalinta saddexaad.

Ka dib ku dhawaaqidda natiijada, Putin oo hadal ka jeediyey Moscow waxa uu sheegay in hawgalka millateri ee ciidamadiisu ka wadaan Ukraine uu sii laban laabi doono.

Hoggaamiye mucaarid oo xirnaa isla markaana dhawaan ku naf waayey xabsiga ayuu dhanka kale Putin ka hadley, waxa aanu warfidiyeenka u sheegay in dhimashada Siyaasi Navalny ay ahayd mid murugo leh.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences