Wasiir Itoobiyaan ah oo markale ku celiyay in ay ka dhabeyn doonaan qabsashadda Badda Soomaaliya.

Tuesday June 04, 2024 - 15:12:55
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Gaadiidka iyo Loojistikada dowladda Xabashida Itoobiya Alemu Sima ayaa hadal uu maanta ka hor jeediyey xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ku sheegay in ay ka dhabayn doonaan heshiiskii ay la galeen Muuse Biixi bilowgii sannadkan.
Alemu oo ka warbixinayey wixii wasaaraddiisa u qabsoomey sagaalkii bilood ee u dambeeyay waxa uu tibaaxay in Itoobiya xaq u leedahay marin badeed taasina ay ku xiran tahay jiritaankeeda.

Wuxuu ganafka ku dhuftay diidmada ka imaanaysa shacabka Soomaaliyeed ee ah in Itoobiya qaadato badda Soomaaliya isagoo heshiiskii xaaraanta ahaa ee Abiy iyo Muuse Biixi dhaxmaray ku sifeeyay mid taariikhi ah.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa tan iyo bilowgii sannadkan geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay u xaqiijin lahayd helitaanka qayb kamida badda Soomaaliya.

Gadoodka ay shacabka Soomaaliyeed sameeyeen iyo goodisyada isdaba joogga ah ee kasoo baxayay hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa larumeysanyahay in uu Xabashida ku qasbay in aysan ku degdegin fulinta heshiiska balse wali waxaa taagan khatarta ah in Itoobiyaanku ay qabsadaan xeebaha Soomaaliya ee gobollada waqooyi.

Alemu Sima ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalkii dhowaan kasoo yeeray lataliyaha Xasan Gurguurte ee ahaa in ciidamada Itoobiya gebi ahaanba ay ka bixi doonaan Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024.

Ku dhowaad 45 kun oo askar Itoobiyaan ah ayaa xoog ku jooga gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxayna gummeysi daran ku hayaan malaayiin shacab soomaaliyeed ah.

Warsame Warfaa
 

Related Items

Update cookies preferences