Weerarkii cagmarinta Ceeldheer iyo madaafiicdii askarta Itoobiyaanka lagu laayay ee garoonka Baydhabo oo 'Golaha ammaanka' la horgeeyay!

Tuesday June 25, 2024 - 17:22:48
Liibaan Jeexoow
Weerarada isdaba joogga ah ee dagaalyahannada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka geysanayaan gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa walaac ballaaran ku beeray shisheeyaha caalamiga ah.
Kulan ay xalay magaalada New York ee dalka Mareykanka ku yeesheen xubnaha waxa loogu yeero golaha ammaanka Q.Midoobay ayay kusoo qaadeen halista weyn ee Al Shabaab ay ku hayso ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo duulay iyo masaalixda dowladaha reergalbeedka.

Labada mas'uul ee Q.Midoobay iyo Ururka midowga Afrika uga wakiilka ah agaasinka duullaanka saliibiga ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa xubnaha 'Golaha ammaanka' ka hor jeediyay khudbado ay uga warbixinayaan xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee dalka.

Ugu horrayn Max'med Amiin Suweyf oo ah ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya islamarkaana gacanta ku haya galalka ciidamada ATMIS ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Shabaabul Mujaahidiin ay yihiin awood halis ku ah wax uu ugu yeeray dowladnimada Soomaaliya iyo faafinta Dimuquraadiyadda.

Wuxuu golaha ammaanka ka hor caddeeyay in weeraradii ugu dambeeyay ee degmooyinka Ceeldheer iyo Baydhabo ay muujinayeen sida jihaadiyiintu awood ugu leeyihiin agaasinka weeraro laayaan ah.

Madaxa midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa weerarkii cagmarinta ahaa ee bishan ka dhacay degmada Ceeldheer ku sifeeyay mid halistiisa lahaa, wuxuu sidoo kale kale sheegay in weerar loo adeegsaday madaafiic oo lagu qaaday saldhigga ciidanka Xabashida Itoobiya ee magaalada Baydhabo uu muujiyay cabsida uu midowga Afrika ka qabo halista sii kordhaysa ee Shabaabul Mujaahidiin.

Max'med Amiin Suweyf ayaa carabaabay in inkastoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal ku iclaamisay Al Shabaab hadane ay weli yihiin awood aan laloodi karin oo leh karti ay ku agaasimaan weeraro wax burburiya.

Diblumaasigan Afrikaanka ah ayaa usheegay golaha ammaanka in cabsida laga qabo in jihaadiyiintu dib uqabsadaan magaalooyin dhaca Soomaaliya haddii ay baxaan ciidanka ATMIS ay tahay suurtagalnimo weyn.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in socdaallo uu ku tegay magaalooyin katirsan labada Shabeelle iyo Hiiraan ay saraakiisha DF-ka usheegeen in ay ka baqayaan Al Shabaab.

James Swan oo ah wakiilka Q.Midoobay ee Soomaaliya ayaa isna khudbaddiisa ku muujiyay walaac kan lamid ah wuxuuna dowladaha reergalbeedka ugu baaqay in ay maalgeliyaan ciidamada Afrikaanta ah ee duullanaka ku jooga Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences