Xanuuno halis ah oo ka dillaacay wadanka Itoobiya.

Sunday June 30, 2024 - 06:39:27
Liibaan Jeexoow
Hay'adda loogu yeero Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Itoobiya ay faro baas ku hayaan saddex cudur kuwaas oo kala ah Daacuun Caloole/Shuban biyood, Jadeecada iyo Cudurka Duumada.
Xafiiska Arrimaha Gargaarka Bina aadannimo ee QM ee OCHA ayaa warbixin uu soo saarey ku xusey in Itoobiya ay dagaal saddex-geesle ah kula jirto cudurradaas. Xanuunnadan ayaa la sheegay in ay saameyn ballaaran ku yeesheen bulshada ku dhaqan Itoobiya.

Cudurka Daacuunka(cholera) ayaa noqday xanuunkii ugu muddo dheeraa taariikhda Itoobiya. Warbixintu waxa ay sheegtay in cudurku dillaacey bishii August 2022 welina uu ka jiro Itoobiya.

Xanuunkan Kalooruhu meelaha uu aadka u saameeyay waxa lagu sheegay deegaannada Canfarta iyo Oromada kuwaas oo markii saddexaad laga diwaan galiyey xaalado cusub.

Cudurka Jadeecada(measles) ayaa isna ka dillaacey gobolka Amxaarada. Warbixin lala wadaagey Wargeyska Addis Standar ee ka soo baxa Itoobiya waxa lagu xusey in ilaa 15qof ay u geeryoodeen cudurka jadeecada.

Cudurka maleeriyada/duumo ayaa isna laga diwaangeliyey gobollada Amxaarada iyo oromada. Jirradan waxa keena kaneecada dhedig ee loo yaqaan annoofalis.

Xafiiska Caafimaadka Oromiya waxa hal toddobaad gudihii laga diwaangeliyey 57,000 oo kiis sida warbixinta lagu xusey. Xafiiska Caafimaadka Dadweynaha ee gobolka Amxaarada oo isna tirakoob ka soo saarey Cudurka Duumada laba wiig ka hor ayaa sheegay in kiisaska la diwaangeliyey 11-kii bilood ee u dambeeyay ay yihiin 1.2million oo xaaladood.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences