Maleeshiyaadka Faano oo 100 maxaabiis ah ka qabsaday ciidamada Xabashida Itoobiya.

Tuesday May 28, 2024 - 16:15:08
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa kala gaaray dhinacyada ku loollamaya dhowr gobol oo katirsan ismaamulka Amhara ee dalka Itoobiya.
Wararka ka imaanaya mandiqadda Sekota ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in boqolaal katirsan ciidamada Itoobiya ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weeraro laayaan ah oo ay qaadeen maleehiyaadka jabhada Faano.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in mucaaradka Amxaarada ay hareereeyeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Federaaliga kadibna ay maxaabiis ahaan uqabsadeen ku dhowaad 100 askari.

Warbaahinta taageerta jabhadda Faano ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 100 askari oo katirsan ciidanka Federaaliga Itoobiya kuwaas oo badankood kasoo jeedo qowmiyadda Oromada.

Muqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay mucaaradka oo dareerinaya ciidamo katirsan melleteriga Itoobiya balse aan wax hub ah wadanin, ciidamada maxaabiista noqday waxaa ka muuqday diifta dagaalka.

Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha xukuumadda Addis Ababa ayaa diiday in uu wadahadal lagalo kooxaha fallaagada Amxaarada wuxuuna taas bedelkeed door biday sii wadidda dagaallada aadka uculus ee gallaafanaya nolosha kumanaan kun qof oo Itoobiyaan ah.

Related Items

Update cookies preferences