AMISOM Oo Madaafiic Khasaara Dhalisay Ku Garaacday Xaafado Katirsan Degmada Yaaqshiid,Muqdisho.

Saturday May 31, 2014 - 12:52:23
23414
Super Admin
Waqti ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay ciidamada shisheeye ee AMISOM madaafiic ku garaaceen xaafado katirsan degmada Yaaqshiid.

Waqti ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay ciidamada shisheeye ee AMISOM madaafiic ku garaaceen xaafado katirsan degmada Yaaqshiid.

Hal qof ayaa ku dhintay qof kalane dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii madfac ku habsaday gurigooda oo kuyaal xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in madfaca oo lagasoo riday dhanka isbartiibada Muqdisho uu khal khal ku abuuray shacabka ku dhaqan xaafadda Juungal.

Sidoo kale dhowr madfac oo aan wax khasaara ah geysan ayaa xalay fiidkii ku dhacay xaafadda Ceymiska ee isla degmada Yaaqshiid.

Madaafiicdan ayaa kusoo aadaya xilli xalay qarash khasaara dhaliyay uu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka City Plaza degmada C/Caziiz magaalada Muqdisho


Related Items

Update cookies preferences