Iska hor'imaad ay ku dhinteen ciidamo katirsan DF oo ka dhacay Cadcaddeey.

Sunday June 23, 2024 - 17:29:53
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay iska hor'imaad maleeshiyaad kawada tirsan dowladda Federaalka ku dhaxmaray deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya deegaanka Cadcaddeey ee duleedka degmada Ruun Nirgood ayaa sheegaya in iska hor'imaad culus uu maanta barqadii dhaxmaray maleeshiyaad katirsan dowladda oo ka yimid dhanka Muqdisho.

Ugu yaraan 1 askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay iska hor'imaadka halka tiro kale ay dhaawacyo soo gaareen, ciidamadii lagusoo tababaray dalka Ereteriya ayaa weerar bareer ah ku qaaday maleeshiyaad DF-ka katirsan oo ku heyb ah Yuusuf Madaale guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Related Items

Update cookies preferences