Daawo:Alkataa'ib Oo Baahisay In Ka Badan 100 Sawir Oo Lagu Soo Bandhigayo Howlgalkii lagu laayay Ciidanka Kenya Ee Ceelcadde

Wednesday January 20, 2016 - 17:09:33
192869
Super Admin
Mu'asasada Alkataa'ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa maanta oo arbaca ah baahisay 134 sawir ah oo laga keenay weerarkii halyeeynimo ee guutada Ashahiid Saalix Nabhaan ay ku qaaday xerada military ee Ceelcadde oo ay daganaayeen ciidamo ka tirsan Kenya.

Weerarkan oo lagu dilay in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu tilmaami karaa xasuuq iyo gumaad lagu baabi'iyey ciidamadii ku jiray xeradaas marka loo eego sawirada ay mu'asasada Alkataa'ib ka soo bandhigtay weerarka, waxaana sawirada badankood ay yihiin kuwo argagax badan oo soo bandhigaya ciidamo ku gubtay Camaliyaddii Istish-haadi, kuwa jirkooda uu doorsoomay iyo kuwo kale oo dhiig uu camimay jirkooda.

Muuqaaladan waa kuwo ay ku laab qabowsanayaan mu'miniinta sidoo kalena rucbi iyo argagax ku abuuraya melleteriga Kenya, waana sawiro kuu bidhaaminaya sida ba'an ee Guutada AShahiid Saalix Nabhaan ay u xasuuqday cadawga iyo sida loo burburiyey saldhigoodii Ceel-cadde.


Sidoo kale waxaa muuqaalada ay soo bandhigtay mu'asasada Alkataa'ib ka mid ah qaar ka mid ah gaadiidkii iyo ganiimadii Mujaahidiinta ay ku soo furteen dagaalka kuwaas oo isugu jira gawaari gaashaaman, Booyado, gaadiid Xamuul iyo hub noocyadiisa kala duwan, Waxaana qaarkood la soo bandhigayaa iyadoo ay dusha sare ka saaran yihiin ciidamada Mujaahidiinta, Raayada towxiidkana ay ka dul babaneyso.


Sawiradan ay maanta baahisay mu'asasada Alkataa'ib ayaa la rumeysan yahay in ay buuq iyo guux horleh ka dhex abuuri doonaan gudaha wadanka Kenya Maadama ay soo baxeen xilli dadka reer Kenya ay hogaankooda ka sugayaan Numberka saxda ah ee askartooda looga dilay weerarkii jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday xeradooda.

Digniin haddii aad qalbi jilcantahay ha daawan sawirrada

Halkan ka Daawo sawirrada oo badan

Halkan ka Daawo Sawirro Dheeraad ah PDF

Source:Radio Andalus

Related Items

Update cookies preferences