23 qof oo ku dhintay Rabshadaha ka socda Kenya iyo William Ruto oo wadahadal ku baaqay.

Wednesday June 26, 2024 - 17:49:32
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay rabshadaha dhiigga badan ku daadanayo ee ka socda wadanka Kenya.
Guddiga iskaashatada dhaqaatiirta Kenya ayaa ka sheegay magaalada Nairobi iyo dhimashada guud ee ka dhalatay toogashadii ay geysteen ciidanka booliska ay gaartay 23 ruux.

Madaxa guddiga oo uwarramay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah dhaawacyadii ku waxyeelloobay rasaasta ciidanka Booliska ay ku dhinteen isbitaallada Nairobi.

Ciidamada Booliska iyo kuwa melleeteriga ayaa lagu eedaynayaa in ay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dadka ka caraysan canshuurta dulsaarka ah ee lagusoo rogay ganacsatada iyo muwaadiniinta caadiga ah.

Dhinaca kale William Ruto oo ah madaxweynaha Kenya ayaa diiday in uu saxiixo qaanuunka canshuuraha, isagoo shir jaraa'id ku qabanayay magaalada Nairobi ayuu sheegay in uu diyaar uyahay wadahadal uu lagalo dhalinyarada hoggaaminaysa kacdoonka shacbiga ah.

Related Items

Update cookies preferences