Qarax lagu weeraray guriga wasiir Xasan Eelaay ee magaalada Baydhabo iyo warar kale.

Saturday June 29, 2024 - 15:09:56
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha ATMIS loogu yeero.
Xalay saqdii dhexe ayaa dagaalyahannada Al Shabaab weerar ku mireen saldhigga ciidanka Uganada ee kuyaal deegaanka Danoow kaasi oo ka dhcay duleedka degmada Qoryooleey.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lagu beegsaday guri uu magaalada Baydhabo ka deganyahay Xasan Eelaay oo ah wasiirka xanaanada xoolaha ee maamulka Koonfur Galbeed.

Mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Related Items

Update cookies preferences