Dowladda Xabashida Itoobiya oo ciidamo soo bandhigtay iyo mucaaradka oo ku jeesjeesay.

Saturday June 29, 2024 - 17:41:46
Liibaan Jeexoow
Kooxaha mucaaradka Itoobiya ayaa si aad ah ugu jeesjeesay war kasoo baxay taliska guud ee ciidamada Abiy Axmed.
Jeneral Burhanu Jula oo ah taliyaha guud ee ciidamada Melleteriga Itoobiya ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay duleedka magaalada Addis Ababa wuxuu ku sheegay in ay diyaariyeen guuto ciidan ah oo ku qalabaysan huka nuucyadiisa kala duwan.

Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada falcelinta degdegga ah ee dalalka bariga Afrika,Jula ayaa carabaabay in dowladdiisu ay noqotay dowladdii ugu horraysay ee ciidamadan diyaarisa tan iyo markii uu ururka midowga Afrika ansixiyay in ladhiso illaa 5 ciidan oo qaaradda Afrika ay yeelato.

Mucaaradka Abiy Axmed ayaa durbadiiba billaabay in ay ku jees jeesaan warka kasoo baxay Jeneraal Jula iyagoo ku sifeeyay wax lagu qoslo, waxay sheegeen in Itoobiya ay ubaahantahay ciidamo Nabad ilaalin ah maadaama ay ka socdaan dagaallo sokeeye oo gallaaftay nolosha kumanaan kun oo ruux.
"Ruux baahan waxba mabixiyo oo goorma ayay Itoobiya nabad noqotay si ay nabad u ilaaliso" ayuu yiri mid kamida dadkii arrinkan ka jawaab celiyay.

Maleeshiyaadka Jabhadda Faano ee Amxaarada ah iyo kooxda OLA ee qowmiyadda Oromada kasoo jeedda ayaa dagaallo culus kula jira ciidamada melleteriga Federaaliga Itoobiya waxayna dagaallan sababeen in magaalooyin waaweyn laga barakaco.

Related Items

Update cookies preferences