Mid kamida diyaaradaha Drones-ka ee Turkigu farsameeyo oo ku burburtay gudaha dalka Itoobiya.

Thursday May 23, 2024 - 12:53:49
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay burburtay mid kamida diyaaradaha dagaalka dowladda Xabashida Itoobiya ee qeybta weyn ka ah
Diyaarad Drone ah oo ah nuuca turkigu farsameeyo ee loo yaqaan Bayraktar TB2 ayaa ku burburtay ismaamulka Oromia ee wadanka Itoobiya.
Sida dad goob joogayaal ay sheegeen diyaaradda ayaa ku dhacday deegaanka Horo Guduru oo katirsan gobolka Welega Zone.

Muuqaal Video ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaaradda oo iyadoo burbursan ku dhacday goob umuuqatay tuulo ay dad deganyihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaanka ay kusoo dhacday diyaaraddan Drone-ta ah ay bilihii lasoo dhaafay ka dhacayeen dagaallo udhaxeeyay ciidamada Federaaliga Xabashida iyo maleeshiyaadka jabhadda Oromada OLA.

Abiy Axmed ayaa sanaddii 2021-dii dowladda Turkiga kasoo iibsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Bayraktar TB2, kuwaas oo qeyb weyn ka qaatay dagaalladii udhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka kooxda TPLF.

Related Items

Update cookies preferences