Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku baaqey in loo hoggaansamo xeerarka u degsan.

Monday April 29, 2024 - 16:03:41
Liibaan Jeexoow
Komishanka Doorashooyinka maamulka la baxey Somaliland ayaa maanta kulan la qaatey Golaha Wakiillada ee isla maamulkaas.
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Yuusuf oo warbaahinta la hadley waxa uu sheegay in doorashooyinkii maamulkaasi ay foodda ku soo hayaan isla markaana ay tahay in xeerarka dalka loo hoggaansamo.

Waxa kale oo guddoomiyuhu tibaaxey in Guddida shaqadeeda loo daayo.

"Sidaa la sheegay doorashooyinkii baa loo dhaqaaqay, waxaan rejaynaynaa haddii Alle ka dhigo in dhammaan bulshada Somaliland iyo saxaafaddaba loo hoggaansamo xeerarka iyo nidaammada inoo yaalla oo koomiishanka shaqadiisa loo daayo.” Ayuu yiri Muuse.

Dhanka Golaha Wakiillada xubnihii u joogay ayaa sheegay in shirka ay la galeen komishanka doorashooyinku uu socday ku dhawaad ilaa laba saacadood isla markaana waxa ay xuseen in aanay jirin wax caqabad ah oo doorashadaas ku imaanayaa.

Doorashada maamulka Somaliland ayaa loo qoondeeyay in la qabto 13 November ee sannadkan aynu ku jirno, waxaana xilka ugu sarreeya ee maamulkaas u tartamaya Muuse Biixi, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences