Maamulka 'Somaliland' oo kumanaan askari udaad gureeyay jiidda magaalada Laascaanood.

Tuesday May 21, 2024 - 15:16:33
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad uxooggan ay ka jiraan duleedka magaalada Laascaanood.
Maamulka Somaliland ayaa kumanaan maleeshiyaad ah kusoo daadgureeyay deegaanka Oog ee gobolka Sool halkaas oo ay ka wadaan dhaq dhaqaaq aad uxooggan.

Dad ku sugan gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland oo lagusoo diyaariyay duleedyada Hargeysa iyo Burco ay soo gaareen deegaanka Oog.

Saraakiil katirsan maamulka Muuse Biixi ayaa warbaahinta u sheegay in ay dib ugu laaban doonaan deegaanka Joogga Cadde oo hareeraha magaalada Laascaanood.

Mas'uuliyiinta maamulka SSC ee caasimaddiisu tahay Laascaanood oo wax laga weydiiyay waxa ay kala socdaan dhaq dhaqaaqydan ayaa diiday in ay si quman uga hadlaan.

Related Items

Update cookies preferences