Komishanka Doorashooyinka maamulka Somaliland oo soo saarey jadwalkii doorashada.

Saturday April 20, 2024 - 16:55:51
Liibaan Jeexoow
Komishanka Doorashooyinka maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqey xilliga la qabanayo doorashooyinka maamulkaas oo muddo badan la isku khilaafsanaa.
Qoraal ku taariikheysnaa 20 April, 2024 oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Kommishanka Muuse Xasan Yuusuf ayaa lagu xusey sidan soo socota:

1: Doorashooyinka madaxweynaha, ku xigeenka madaxweynaha iyo doorashooyinka tooska ah waa in la wada qabtaa 13 November, 2024.

2: In doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka keliya ay u tartamaan xisbiyada kala ah Kulmiye, Ucid iyo Waddani.

3: In doorashada tooska ah ee axsaabta ay u tartamaan 10 urur siyaasadeed iyo saddexda xisbi ee SL.

Doorashooyinka maamulkan oo ku ekaa 13 November, 2022 ayaa dib loo dhigey ka dib markii golaha loogu yeero Guurtidu ay labo sano u kordhiyeen Korneyl Muuse Biixi.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences