Maamulka Mustafa Cagjar oo Tobanaan kun Soomaali ah ka qafaalay dhulka Soomaaligalbeed si uu uga qeyb geliyo dagaallada gobolka Amhara [Warbixin].

Monday June 03, 2024 - 17:21:08
Liibaan Jeexoow
Xilli ay meel xun gaareen colaadaha udhaxeeya sedaxda qowmiyadood ee ugu tunka weyn Xabashida Itoobiya ayay dowladda Abiy Axmed waddaan guluf guluf cusub oo ka dhan ah kooxaha mucaaradka ah.
Taliska melleteriga xukuumadda Addis Ababa ayaa bilaabay in uu xashdiyo qeybaha kala duwan ee ciidamadiisa si uu uqaado olole dagaaleed ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka jabhadda Amxaarada ee Faano loo yaqaan.

Wasaaradda difaaca dowladda Itoobiya ayaa dhammaan ismaamul goboleedyada ku amartay in ay soo aruuriyaan ku dhowaad 100 kun oo dagaalyahan kuwaas oo lagu biirin doono melleteriga Xabashida.

Ismaamullada Oromada iyo midka ka jira Jigjiga ayaa noqday maamulladii ugu horreeyay ee iclaamiya in ay diyaariyeen ciidamadii loo diray.

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaaligalbeed ayaa sheegaya in maamulka dabadhilifka ah ee Mustafa Cagjar uu qaaday olole ballaaran oo lagu qafaalayo dhalinyarada Soomaali si qasab loogu ciidameeyo.
Howlgallada raafka iyo qafaalka isugu jira ayaa saameeyay xoola dhaqatada,beeralayda iyo dhalinyarada xooggooda ku shaqeystay kuwaas oo si qasab ah lagu geliyay dhibboow.

In ka badan 16,500 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo si qasab ah lagaga soo ururiyey gobollada iyo degmooyinka Soomaaligalbeed ayaa tababar ciidan looga furay xerada tababarka ciidanka ee duleedka Jigjiga oo ay ku jiraan 6,000 dhallinyaro ah iyo xero ku taalla deegaanka Koollo ee degmada Doolo-addo ee gobolka Liibaan oo lagu ururiyey dhallinyaro lagu qiyaasay 10,000.

Dhallinyaradan oo iskugu jira wiilal iyo gabdho ayaa lasoo soo raafay iyaga oo beerahooda qodanaya, qaarkoodna xoolo ilaalinayey, hablahana dariiqyada ayaa loo istaagay waxaana muddooyinkii dambe raafkooda laga dareemayey gobollada Soomaaligalbeed oo dhan.

Xerada Qaxootiga Qaooli waxay kamid ah aheyd meelihii laga raafay dhalinyarada ugu badan oo isugu jiro rag iyo dumar.

Deegaannada dhaca xuduud beenaadyada uu dhulka Soomaaligalbeed lawadaago gobollada Gedo iyo Bakool ee dalka Soomaaliya ayaa iyana raaf daran lagasoo weriyay.

Mustafa Cagran oo kasoo muuqday warbaahinta maxalliga ah ayaa iskusoo sawiray xero laga buuxiyay raggii sida qasabka ahaa lagusoo raafay isagoo ku faanay in wax uu ugu yeeray DDSI uu qeyb weyn ka yahay xoojinta ciidanka Federaaliga Itoobiya!.

Dhalinyarada sawirrada lagasoo qaaday waxaa ka muuqatay diif iyo duruuf adag waxaana la arkayay iyagoo madaxda laga xiiray oo dhibboowga ladhiban.

Maleeshiyaadkan laga aruurinayo ismaamul goboleedyada hoostaga dowladda Itoobiya ayuu Abiy Axmed doonayaa in uu ku shubo dabka ka holcaya gobolka Amxaarada halkaas oo guuldarrooyin waaweyn dhabarka loogu saariyay ciidamada federaaliga ah.

Related Items

Update cookies preferences