Wasiirkii dagaalka maamulka Yahuudda iyo mas'uuliyiin kale oo iscasilay.

Monday June 10, 2024 - 17:19:35
Liibaan Jeexoow
Mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa golaha dagaalka maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa iscasilaad ku dhawaaqay sababa laxiriira guuldarrada ka raacday dagaalka Qaza.
Benny Gantz oo ahaa wasiirka dagaalka Yahuudda iyo Gadi Eisenkot oo kamid ahaa golaha hoggaaminaya dagaalka Qaza ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen xukuumadda uu madaxda ka yahay Binyamin Netenyahu.

Khalkhal siyaasadeed ayaa durbaba laga dareemay maamulka Yahuudda, khilaafka ugu daran ayaa ka dhashay qaabka loo maareynayo maxaabiista boqolaalka ah ee ku jira gacanta xoogaga muqaawamada.

Iscasilaadda wasiirradan ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanka iyo xulufada reergalbeedka ay Yahuudda ku cadaadinayaan aqbalidda heshiis xabad joojin iyo maxaabiis isdhaafsi ah oo ay lagalaan muqaawamada Falasdiin

Related Items

Update cookies preferences