Dhimashada dadka xujeyda sanadkaan oo kor u dhaaftey 1000 ruux

Saturday June 22, 2024 - 14:35:01
Liibaan Jeexoow
Xujaajta ku sugan dhulka barakeysan ee geeryoodey ayaa kor u dhaafaya illaa 1000 ruux sida ay ku soo warrameyso warbaahintu.
Wararku waxa ay sheegayaan in inta badan xujeyda geeryootey ay ahaayeen xujaaj aan diwaangashaneyn oo masaari u badan. 58 qof oo ka soo jeeda dalka Masar ayaa shaley geeryoodey. Dhanka kale dublomaasi Carbeed ayaa ku warramey in 658qof oo nafwaayey ay 630 kamid ahi ahaayeen xujey aan diwaangashanayn.

Qiyaastii ilaa 10 waddan ayaa dadka geeryoodey ka kala yimaaddeen. Kuleylka xad-dhaafka ah ee ka jira magaalada Maka iyo guud ahaan Sucuudiga sannadkan ayaa ah sababta ugu weyn ee keentay dhimashada marka laga yimaaddo qadarta Rabbi. Heerkulka magaalada Maka ayaa caga-cagaynaya ilaa 52C°(125F).

Dalalka Pakistan iyo Indonesia ayaa iyagana la diwaangeliyey dhimashooyin cusub Khamiistii.Dad gaaraya 150,000 oo xujey ah oo reer Pakistan ah sannadka waxa dhintey 58 qof.

Halka 240,000 oo xujey reer Indonesia ah waxa nafwaayey 183 qof. Dalalka illaa hadda la xaqiijiyey in ay xujeydoodu dhinteen waxa kamid ah Malaysia, India, Iran, Jordan, Senegal, Tunusia, Iraq iyo Sudan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan xujey Soomaali ah oo ku geeryoodey Maka xilli ay gudanayeen Tiirka Shanaad ee Islaamka.


Related Items

Update cookies preferences