Qaza: 22 Cisbitaal oo xirmey iyo tirada shuhadada oo kor u dhaaftey 11 kun.

Monday November 13, 2023 - 17:11:46
Idriis Ali
Xafiiska Warlaliska ee magaalada Qaza ayaa xaqiijiyey in 22 Cisbitaal oo ku yaalley marinku ay gebi ahaanba xirmeen sababo la xiriira duqaymaha Yuhuudda.
Maktabka Warbaahinta ayaa intaa ku darey in maamulka Yuhuuddu uu beegsanayo goobaha caafimaadka isla markaasna ay shaqaaluhu la kulmayaan cadaadis.

22 Cisbitaal iyo 49 xarumood oo caafimaad ayaa guud ahaan xirmey. Gaadiidka caafimaadka ee cadowga Yuhuuddu beegsadey ayaa gaaraya 53 baabuur. Dhanka shuhadada ayaa warbixinta Xafiiska Warlalisku ku sheegay 11,180qof kuwaas oo 4,609 kamid ahi carruur yihiin. Halka dumarka shahiideyna ay yihiin 3,100 dumar ah.

Dhaawacyada reer Falastiin ayaa noqday 28,200 oo qof kuwaas oo 70% ay caruur iyo haween yihiin. Dhanka masaajidda Yuhuuddu dhulka la sintey waxa ay noqdeen 70 masaajid halka masaajidda la beegsadey balse aan la wada burburin ay yihiin 153.

Khasaaraha gaarey dhanka waxsoosaarka beeraha waxa maktabku ku sheegay in lagu qiyaasayo 180Milyan oo doolar. Goobaha xukuumaddu ku shaqayso ee burburey waxa ay noqdeen 92 xarumood.

Goobaha waxbarashada ee waxyeelladu soo gaadhey waxay noqdeen 241 goobood. Isku soo wada duuboo duqeymaha cadowga Yuhuuddu waxa uu khasaare baaxad leh gaarsiiyey Falastiin guud ahaan gaar ahaanna Marinka Qaza.

Related Items

Update cookies preferences