Qaza: Dad kor u dhaafaya 130 qof oo ku shahiidey Marinka Qaza.

Thursday June 06, 2024 - 21:38:20
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in dad kor u dhaafaya 130 qof ay ku shahiideen Marinka Qaza 24-kii saac ee u dambeeyay ka dib markii duqeymo aan loo meel dayin oo ciidanka Yuhuuddu ka geysteen.
Tafaasiisha ayaa intaa ku daraysa in xerada qoxootiga ee Nuseyraat oo habeennimadii xaley duqeymo lala beegsadey ay ku nafwaayeen dad gaaraya illaa 30 ruux, tan ayaa ka dambeysay ka dib markii Ciidanka Yuhuuddu ay sidoo kale duqeymo ku dileen isu geyn dad gaaraya 100 qof.

Dhanka kale Yuhuuddu waxa ay iclaamiyeen in 2 askari lagaga dhaawacay mandiqadda Karam Abu Saalim ee Beriga Rafax.

Siddeed bilood ka dib tan iyo bilowgii dagaalka waxa ay Wakaaladda Wararka ee Reuters sheegtay in masuuliyiin sare oo Mareykan ahi ka dhawaajiyeen in aan Yuhuuddu wax guul ah ka gaareyn dagaalka.

Dhanka kale Reysal Wasaaraha Qadar Maxamed Bin Cabdirraxmaan iyo Agaasimaha Sirdoonka Masar ayaa kula kulmay Magaalada Dawxa mas’uuliyiin ka tirsan muqaawimada Xamaas ee Falastiin iyada oo loo gogol xaarayo xal xabbad-joojineed.

Ciidamada Yuhuuddu waxa ay sidoo kale xuseen in hal askari kaga dhintey 11 kalena kaga dhaawacmeen weerar ururka Xisbullah ka fuliyeen deegaanka Xarfish ee mandiqadda Jaliil Al Aclaa.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences