Wax ka ogow khaasaraha maaliyadeed ee uu lakulmay Marinka Qaza.

Saturday June 15, 2024 - 17:23:00
Liibaan Jeexoow
Jabhadda Faano ee dagaalku kala dhexeeyo Dawladda Itoobiya ayaa ka dhawaajisey in ay maamusho qaybaha ugu badan dhulka Axmaarada.
Eskinder Nega oo kamid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn deegaankaas isla markaana lagu tiriyo xubnahan ugu sarreeya Malleeshiyada Faano oo wareysi siiyay Idaacadda Ingiriiska ee BBC waxa uu tibaaxey in Faano ay maamusho 80% ama 90% dhulka Amxaarada.

Wareysiga waxa uu ku xusey in kala daadsanaan badani ka muuqato jabhadda isla markaana ay jiraan illaa dhowr garab oo midkastaa sidiisa u dagaallamo laakiin magaca jabhadda uun wadaaga.

Mar wax laga weydiiyey bal in ay wadahadallo la gelayaan Xukuumadda Itoobiya waxa uu in ahmiyaddooda koowaad ay tahay sidii loo mideyn lahaa sufuufta Faano.

"Waxa jira kooxo badan oo Faano ah oo si madax bannaan ula dagaallama dawladda, hadda waxaanu ku jirnaa dedaalladii lagu mideyn lahaa, haddii hawshaasi qabsoonto markaas uun bay suuragal noqon doontaa in la gaaro go’aankii wada xaajood lagula furi lahaa dawladda” Eskinder Nega.

Malleeshiyada Faano waxa ay muddooyinkii ugu dambeeyay dagaal kula jirtey Xukuumadda Addis Ababa ee Abiy Axmed. Waxaana xusid mudan in jabhaddani ay ahayd kuwii garabka u ahaa Abiy kolkii uu dagaalka ku qaadey gobolka Tigreega gaar ahaan jabhaddii TPLF dhammaadkii sannadkii 2020.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences