10 kamida qoyska Ismaaciil Haniya oo shahiiday duqeymo ka dhacay magaalada Qaza.

Tuesday June 25, 2024 - 17:57:51
Liibaan Jeexoow
Alle haw naxariistee waxa duqeyn diyaaradeed lagu diley illaa 10 ruux oo kamid ah qoyska Hoggaamiyaha Maktabka Siyaasiga ah ee Xamaas Ismaaciil Haniya.
Duqeyntan ayaa ka dhacdey Xerada Qoxootiga Shaadi’ ee Galbeedka Qaza habeennimadii xalay.

Ilo wareedyada Falastiiniyiintu waxay intaa ku darayaan in guriga cadowgu beegsadey ay ku sugnaayeen ehelka Ismaaciil Haniya kuwaas oo ay kamid ahayd walaashiis. Waxaana weli la aamminsan yahay in xubno kamid ah qoysku weli ku hoos jiraan dhismaha burburey.

Sidoo kale waxa habeenkii xalay ahaa Yuhuuddu beegsadeen madarisad hoostagta hay’adaha gargaarka halkaas oo tobannaan qof oo carruur kamid yihiin ay ku nafwaayeen.

Bishii April ee ina dhaaftey waxa shahiidey saddex wiil oo uu aabbe u yahay Ismaaciil Haniya iyo carruur kale oo uu awoow u ahaa. Xilligaas Yuhuuddu ay beegsadeen wiilasha Ismaaciil waxa ay sheegeen in wiilashu hawlgal soo fulinayeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in illaa 70 xubnood oo kamid ah qoyska Ismaaciil ay shahiideen tan iyo bilowgii dagaalka 7 October.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences