Sheekh Mustafe: afar kun oo Faransiis ah baa ka dagaallamaya Qaza.

Sunday May 12, 2024 - 11:38:25
Liibaan Jeexoow
Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo kamid ah culimada Soomaalida ayaa habeenkii xaley ahaa ka qayb galey munaasibad lacag taakulo ah loogu uruurinayo muslimiinta ku nool Marinka Qaza.
Sheekha oo hadal ka jeediyey munaasibaddu waxa uu sheegay in maanta dad badani u hiillin kari lahaayeen Qaza laakiin la gumaysanayo oo loo diiddan yahay im ay u diir naxaan walaalahood.

"Caalamul Islaami dad badan baa wax qaban kari lahaa laakiin dee waa la gumeysanayaa” Sheekh Mustafe.

Waxa uu raaciyey in maanta aan la oggoleyn qof muslim ahi in uu tago Qaza laakiin iyagu ay si mutadawcnimo ah u tagayaan.

"Maanta muslimiinta in qif muslim ahi tago looma oggola ammaa caalamka kale waa loo oggol yahay, Faransiiska oo qudha afarkun oo mutadawac baa ka dagaallamaya kuwa kalena waa sidaas oo kale”.

Munaasibaddan waxa ka soo qayb galey boqollaal haween ah oo qaarkood ay bixiyeen kumannaan doollar.

Warsame Warfaa


Related Items

Update cookies preferences