Ku xigeenkii hore ee Mossad: waanu ku guuldarraysanney dagaalka Qaza.

Monday May 20, 2024 - 15:41:15
Liibaan Jeexoow
Ku xigeenkii hore ee Hay'adda Sirdoon Yuhuudda ee lagu magacaabo Mossad isla markaana ah xubin ka tirsan Baarlamaan Yuhuudda Ram Ben Barak ayaa ka dhawaajiyey in ay ku fashilmeen dagaalka Qaza isla markaana dhaqaalahoodu hoos u dhacey.
"Dagaalka Qaza waa bilaa u jeeddo waxaana iska cad in aan ku qasaarney, dhaqaalihiina hoobad ku jiro” Ram Ben Barak.

Xildhibaankan Yuhuudiga ah oo Mossad ka ahaa masuulka labaad ee ugu sarreeya sannadkii 2009 – 2011 waxa uu caddeeyay in Ciidanka Yuhuuddu ku qasban yahay dib u laabasho mar warfidiyeenka Yuhuuddu wareysanayeen.

Dhanka kale waxa uu xusay in ay si weyn ugu fashilmeen siyaasaddii dunida taas oo ay caddayn u tahay gebidhaclaynta xiriirka Mareykanka iyo Israel. Ugu dambeyn Ram wuxu hadalkiisa ku soo khatimey "ii sheega hal shay oo aan ku guuleysannay intii dagaalku socday?”.

Warsame Warfaa


Related Items

Update cookies preferences