Madaxweyne xigeenkii Malawi oo la xaqiijiyey in uu geeriyoodey.

Tuesday June 11, 2024 - 18:00:44
Liibaan Jeexoow
Wararka laga helayo dalka Malawi ayaa sheegaya in uu geeryoodey madaxweyne ku xigeenkii dalkaas Saulos Klaus Chilima iyo sagaal xubnood oo kale ka dib markii diyaaraddii ay la socdeen burburtey sida uu xaqiijiyey madaxweynaha dalkaasi
Chilima oo ahaa siyaasi caan ah oo aad looga yaqaanno dalkaas ayaa la rejaynayey in uu ku tartamo jagada madaxweynennimo doorashada soo socata laakiin waxa la waayey shaley Isniintii isaga iyo xubno kale.

"Waxaan aad uga murugeysanahay isla markaana aan ka xumahay in aan idin ogeysiiyo masiibo aad u daran, raadintii iyo kooxdii badbaadintu waxa ay heleen diyaaraddii meel u dhow buuryar. Gebi ahaanba diyaaraddu wey burburtey cidina kama badbaadin” madaxweyne Chakwera.

Burburka diyaaradda ayaa loo sababaynayaa cimillada oo ay ku xirneyd ceeryaan. Waa masuulkii labaad ee muddo yar gudaheed ku dhinta shil diyaaradeed. Tan waxa ka horreysay geeridii Ibraahiim Ra’iisi madaxweynihii Iiraan.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences