Taliye ku xigeenkii Maleeshiyaadka Boliis Melletaariyo oo lagu dilay weearkii deegaanka Busleey.

Saturday March 23, 2024 - 10:27:17
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Busleey ee duleedka magaalada Muqdisho.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in saraakiil sarsare oo katirsanaa ciidamada loogu yeero Booliis Melletaariyo lagu dilay dagaalkii deegaanka Busleey islamarkaana kuwa kale lagu qafaashay.

Liibaan Golcad oo ahaa taliye ku xigeenkii maleeshiyaadka Boliis Melletaariyo ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa tobanaan askar iyo saraakiil ah oo saaka lagu dilay dagaalkii Busleey.

Sarkaalkan ladilay ayaa bishan gudaheeda warbaahinta kasoo muuqanayay isagoo ku goodiyay in ka hortagayaan weerarada Al Shabaab basle waxaa muuqata in goodiskaas uu isaga gallaaftay.

Related Items

Update cookies preferences