Sudan: in ka badan 40,000 oo ardey oo barakacay.

Thursday August 03, 2023 - 08:36:58
Idriis Ali
In ka badan 40,000 oo ardey ayaa ku barakacey dagaallada ka socda Suudaan tan iyo bartamihii bishii April sida uu soo saarey Xafiiska Arrimaha bina aadannimada ee 'Qaramada Midoobey'.
Waxa sidoo kale uu xafiiskaasi sheegay in 110,173 qof oo kale ay u gudbeen Koonfurta Suudaan kuwaas oo ay kamid yihiin 86,696 qof oo ay caawisey hay’adda RRC halka inta soo hadhayna ay iyagu si iskood ah uga gudbeen xuduudka South Sudan.

Xaaladda Suudaan ayaa ka sii dareysa marba marka ka dambeysa maadaama ay sii xoogaysanayaan dagaallada u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Xoogagga RSF.

Xafiis hoosaadkan QM u qaabilsan arrimaha bina aadannimada ayaa dhanka kale tibaaxey in dad isugu jira carruur keligood socda, dad da’ ah, kuwo baahiyo gaar ah leh iyo kuwo kale oo gargaar caafimaad u baahan sida hooyooyin uur leh ay ka gudbayaan xuduudka Sudan.

Dadaallada loogu jiro in dadkaas barakacey gargaar loo fidiyo ayaan u socon si habsami leh, barakacayaasha ayaana u baahan cunto, hu iyo biyo nadiifa.

Isku dayo ay sameeyeen dalal kala duwan oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa fashilmay marar dhowr ah.

Related Items

Update cookies preferences